Feysal Cali Waraabe:- “Lama Aqbali Karo Dib u dhaca doorashada Baarlamaanka Somaalilan

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka ku eedeeyay dib u dhaca markii shanaad ku yimid doorashada baarlamaanka iyo degaanka.

Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan oo isna warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay shacabka ugu baaqayaan banaanbaxyo, haddii mar dambe muddo kordhin aan laga heshiin loo sameeyo baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka Somaliland.

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo degaanka taasi oo la filaayay in ay qabsoonto bisha march ee sanadka soo socda.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *