Gaariga Gudoomiye Ku xigeenka Dharkeynley oo la weeraray

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw waxa ay weerar ku qaadeen gaari uu leeyahay Gudoomiye Ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada Maamulka Degmada Dharkeynley.

Gaariga ayaa la sheegay inuu maraayay halka loo yaqaan Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkeynley, waxaana lagu horgooyay gaari kale oo NOAH ah, kadibna waxaa ooda looga qaaday rasaas xooggan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in Gudoomiye ku xigeenka uusan saarneyn gaariga, xilliga weerarka uu dhacaayay, balse waxaa halkaasi ku geeriyooday ruuxii waday gaariga, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray mid ka mid askarta gaariga saarneyd

Gudoomiye Ku xigeenka la weeraray oo dhanka arrimaha Bulshada qaabilsan, ayaa magaciisa lagu sheegay Shaarkey, wuxuuna ku sugnaa gurigiisa xilliga weerarka uu dhacaayay.

Kooxihii watay gaarigii NOAH ahaa, ayaa ka baxsaday goobtii ay falkaasi ka gaysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *