Gaas oo Muqdisho soo gaaray

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa soo sagootiyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne ku xigeenka C/xakiin Xaaji Cumar (Camey), Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Gaas ayaa inta uusan ka soo ambabixin Garowe sidan ugu sheegay warbaahinta “Waxaan galabta u dhoofayaa magaalada Muqdisho oo aan kaga qeyb galayo shirka Amniga Qaranka, oo ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, shirkan wuxuu qaadanayaa laba maalin oo berri ay ugu horeyso, dabadeed Garowe ayaan dib ugu soo laaban doonaa.”

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan (Khayre), Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed (Jawaari), Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirkan oo berri la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ka qabsoomay Shir horay u dhexmaray dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *