Galmudug oo Shirkad Shiinays ah Ku Wareejinaysa Dekadda Hobyo+Sawirro

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARK,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay masuuliyiinka ka socday dowladda Shiinaha.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray dhismaha dekadda Hobyo, oo ah isha ugu muhiimsan Galmudug dhaqaale iyo horumar ka sameyn karto.

“Waxaan maanta magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka socotay dalka Shiinaha, waxaana ka wada hadalnay dhismaha dekadda Hobya iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhammaan dib u dhiska deegaanada Galmugug”, ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug  Xaaf ayaa xoogga  xiligaan saaraya sidii maalgalin loogu heli lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug, dhanka kale Mr. Xaaf ayaa la filaya inuu saacadaha soo socda ka dago magaalada Galkacyo.

SHARE

Facebook

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *