GODKA JILACOOW SARIIR MA LOOGA WAAYAY QALBI DHAGAX

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

 Xiliga lagu jiro ololaha doorashada waxaa iska caadaa in siyaasiyiintu ay isticmaalaan hadalo qiiro leh oo soo jiita ama kiciya dareenka bulshada.

Inta badan hadaladaas waxay ku cabiraan baahiyaha dadweeynaha iyo meelaha ay xiiseeynayaan haday noqon lahayd dhinaca shaqada,nabadgalyada,kobcinta dhaqaalaha iyo dhawrista sharafta muwaadinka dalka.

Waa adagtahay in aad mararka qaar xulato shaqsiga ugu haboon oo aad ku aamini lahayd wadan aad jeceshahay wanaagiis, horumarkiisa iyo inuu ahaado kan dunida ugu sumcada iyo nolosha fiican.

Hadii wadankaas markii hore uu ahaa mid usaxiiba dagaalo,abaaro iyo masiibooyin kaloo dabiici ah, daalka iyo naceebka aad u qaado hogaamiyaha markaas xukunka haya waxay dantu kugu qasbaysaa inaad ku nasiibsato musharaxa kasoo horjeeda aadna aaminto wax kasta oo afkiisa kasoo baxa.

Waa sax sida ay dad badan ku doodayaan maahan markii ugu horeeysay ee muwaadin soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanka soomaalida ethopia loo gacan galiyo taliska dalkaas,horey waxaa dhaqankaas looga bartay hogaamiyo kooxeedyo iyo maamulo aysan jirin cideey matalaan,iyo awood sharciyeed xoogleh oo ay ka baqaan.

Maanta waxaan haysanaa madax dhalin yaraa oo leh aqoon iyo waayo aragnimo kufilan,si weeyna loogu hamuun qabay ineey wax ka badalaan dhaqamo badan oo ka mid noqday nolol maalmeedka bulshada.

Waa sax oo wali waxay ku jiraan socod barasho in kastooy u dhaqmayaan sidii iyagoo sanado badan joogay,talaabooyinka ay qaadayaana waa kuwo degdeg ah oo aad moodo mararka qaarkood ineeysan ba dan iyo heelo kalahaeeyn masuuliyadii looga soo xushay in badan oo iyaga lamid ah.

“waa kufaynaa waa dhacaynaa waxaana ku barbaranaynaa dimuqraadiyada waana gaaraynaa maalin aan isku filaano waxaa yiri madaxweeyne xasan sheikh”

Hadaba madaxdaan cusub inkastoo xiliga aan maqaalkaan qoraya aysan wali u cadeeyn si buuxda wararka Qalbidhagax hadana ilo badan oo xogogaala waxay xaqiijinayaan in ay arintaasu sax tahay oo uu muwaadinkaasu ku jiro gacanta ethopia.

Maxaa u diiday in kahor intaan la dhiibin la mariyo maxkamad caadila la baaro lana xaqiijiyo danbiyada iyo gabood falka lagu soo ee deeyay Kadibna lagu wareejiyo hay adaha caalamigaa ee ku shuqulka leh xaquuqda maxaabiista,maxaase degdega keenay“MA XABSIGA JILACOOW BAA SARIIR LOOGA WAAYAY QALBIDHAGAX”

Maxaa nala gudboon hadaan nahay muwaadiniinteena hungoobay oo ay lasoo gudboonaatay niyad jabka iyo mustaqbalka mugdi ah,ma waxaan ku dhaqaaqnaa inaan burburino,mucaaradno dowlada curdinkaa oo aan dib ugu laabano wadadii qodxaha badneeyd ee halaaga iyo hooga u saaxiibka aheeyd nagana reebtay asaageen,mise waxaan u caqli celinaa,tusaaleeynaa sii naana digniin ku qasabta inaaysan dibdanbe udhicin arintaan oo kale.

Waxaan rumeeysnahay in ay durba dareemeen guuxa dadweeynaha oo ay ka shalaaysan yihiin dhacdadaas foosha xun oo aan ku haboonayn in shacabka soomaaliyeed dhagahoodu maqlaan xili ay u qalab qaateen jihadii horumarka.

Hadaba war iyo dhamaan tiis waxaa ila gudboon inaan horey usocono oo tani noo noqoto cashar aan baranay dibna noogu soo noqon dowladana aan ka deeyno cadaadiska iyo mucaaradka aan wax dhisayn siinana waqti ay isku saxaan.

TABIYE: Hussein Xalane 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *