Golaha Guurtida Beesha Reer Isaaq wuxuu si aada u dhaleeceynayaa isir-beegsiga Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kula kacay Beesha Jidwaaq

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Golaha Guurtida Beesha Reer Isaaq wuxuu si adag u cambaareeynayaa falka wuxuushmimada ah ee Madaxweynaha Deegaanka Soomaalidda Cabdi Maxamuud Cumar uu ku isir-beegsanayo beelweeynta Jidwaaq oo uu u aaneeynayo inay hormuud ka aheyd shirkii loo dhanaa ee Dulmidiid ee dhawaan ka dhacay Minnesota.

Goluhu wuxuu cadeynayaa in hiil iyo hooba uu la garab taagan yahay beelweeynta ay dhiig iyo deegaankaba wadaagaan ee Jidwaaq,ee guumaysigii lagu hayay 10kii sano ee u danbaysay loogu daray barakicin horleh,xadhig dheeraad ah, aflagaado iyo handadaad, waliba in shaqada laga caydhiyo shaqaale hoosaadkii koobnaa ee ay ku lahaayeen dawlada deegaanka.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhamaan shacabka dulmidiidka ah ee deegaanka Soomaalida iyo gaar ahaan beesha uu afkeeda ku hadlayo ee Reer Isaaq inay hal meel uga soo wada jeestaan gardaradan qaawan ee lagula kacay beesha Jidwaaq.
Goluhu waxay uga digayaan Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo inta ugu sacab tumaysa inay joojiyaan ololaha isir-beegsiga ah ee uu ku wado beel ka cabatay dhibaatooyin hore oo loo geeystay.
Waxaanan u sheegaynaa Madaxweynaha in uu dhamaaday xiligii qabyaalad shaadh dawladeed loo xidhay lagu duleeysan jiray kolba cidii xaqqoodda u istaagta.

Abdi Jama Abdulkadir Kassim
Gudoomiyaha Golaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *