Guddoomiye Yariisow oo la kulmay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo xalay xilka kala wareegay Duqii hore Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ahaa mid isbarasho ah ayaa waxaa Guddoomiye Yariisow uu warbixino la xiriira xaaladaha degmooyinka uu ka dhageystay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Eng. Yariisow ayaa waxaa warbixin kooban laga siiyay shaqooyinka ay qabtaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxyaabaha u qabsomay iyo sanadka soo socda hiigsigooda.

 

Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Guddoomiyeyaasha ayaa sheegay in Hal Doon la wada saaran yahay, wuxuuna ku baaqay in shaqada la dardar geliyo, si loo gaaro guulo horumar leh.

Wuxuu aad uga hadlay Guddoomiye Yariisow wararka sheegaya in isbedel uu jiro oo dadka ay hadal hayaan, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin wax isbedel oo deg deg ah, wuxuuna Guddoomiyeyaasha faray in ay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in uu sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay Amni, Nadaafad, Is dhexgal, Guddoomiyeyaasha degmooyinka dhankoodana ay balan qaadeen in ay si adag u shaqeyn doonaan.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxaa horyaala shaqooyin fara badan, oo ay ka mid yihiin inuu raadiyo maqaamka Muqdisho iyo inuu wax badan ka qabto xaalada amni daro ee ka jira Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *