Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo maanta iscasilaya

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa in uu xilkaasi iska casilo saacaddaha soo socda sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland

C/raxmaan Maxamed C/laahi  ayaa sidoo kale  ah guddoomiyaha xisbiga wadani.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in saacaddaha soo socda uu iscasilo doono C/raxmaan Maxamed C/laahi.

“Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey inuu meesha ka tago, waxaana uu naga dalbaday waqtiga, waana u sheegnay Arbacada, xildhibaannadana waan isugu yeernay.” Ayuu yiri Cali Yuusuf.

C/raxmaan Ciro ayaa ah musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Wadani, waxaana uu rajo weyn ka qabaa in uu Somaliland Madaxweyne ka noqdo.

Degaanada maamulka Somaliland ayaa lagu waddaa bilaha soo socda in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *