Hadii aad dadka cawisaa adna xag alla lagaa caawin

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Wiil Dalka Maali u dhashay Mamoudou Gassama(Spider-Man) oo naftiisa u huray inuu Balakoon 4-Dabaq ah ka soo bad-baadiyo Inan-Yar(Baby) Gaaladii faransiiska ahaana tusay naxariista iyo sharafta diinta muslinka leedahay

Magaaladda Paris,ayaa la siiyay dhalashadda Dalka Faransiiska(French-Passport)
Hadii aad naxariisato waxaadan fileyn baad heleysaa ayaan ka faa’ideynaa dhacdadan:
Wiilkan Qaxootiga ah oo sharci la’aan iyo shaqo la’aan Paris ku ahaa ayaa hadda sharci iyo shaqo la siiyay,waxaana shaqadii ugu horeysay siisay qeybta demdemiska(Fire Fighters)
Magaca Ninkii Caaro-caaradda ahaa(Spider-Man)ayaa durba Saxaafadaha Caalamka bilaabeen in magacaas loogu yeero,waxaana la saadaalinayaa inuu shirkadda Aflaanta ee Holly-Wood shaqo ka heli-doono.
Sidoo kale M/weynaha Faransiiska Macron ayaa Aqalka-Madaxtooyadda ku casumay,waxaana la filayaa in la siiyo Bilad Geesinimo ah(Hero-Medal)
Xasuusin:Saacaddo ka hor Wiilkan wuxuu ka wel-welsanaa sharci la’aanta iyo shaqo la’aanta Paris ku heysatay,maantana wel-welkii hayay waa ka baxay oo sharci iyo shaqo ayuu isku helay,iyadoo sabab Alle uga dhigay inuu daqiiqad gudaheed badbaadiyo Inan-Yar oo Baalakoon Dabaqa-4-.aad ka soo lushay,kaasoo dhulka ku soo dhici-lahaa hadii uusan badbaaadiyeen.
Hadii aad naxariisato waxaadan fileyn baad heleysaa ayaan ka faa’ideynaa dhacdadan:

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *