MUQDISHO(FAAFANNEWS)- Hay’adda lacagta aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano IMF ayaa ku warantay in ay dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kasoo gabanayso burburkii soo gaaray sanadyadii la soo dhaafay, islamarkaana ay hada u baahantahay in ay  hesho taageero caalami ah si dalka uu dib ugu soo gabto.

IMF ayaa sheegtay in uu dalku soo gabanayo , islamarkaana ay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladd Soomaaliya.

IMF ayaa sheegtay in rajaynayso in dalalka Caalamka ay maalgashi ku sameystaan dalka Soomaaliya, madaam ay sheegayso in amniga dalka uu soo hagaagayo.

IMF waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku taageertay lacago badan hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado taageerada ay siinayso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacada dib u dhiska iyo sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaha.

IMF ayaa deeqbixiyaasha caalamka ugu baaqday in ay dowladda Soomaaliya ay taageeraan xiliyada doorashada.