Hogaamiyaha Mucaaradka ee Kenya oo Qaadacay Natiijada Doorashada

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay. Raila waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada.

Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka. Waxaana uu Madaxweyne Uhuru uu ku hogaaminayaa Raila kow iyo toban dhibcood oo ah codadkii la tiriyay.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. Wuxuu sheegay in Kenyanku ay “horay u socdaan iyaga oo hal dal ah”.

Safafka dhaadheer ayaa subixii horeba samaysmay, waxaana la soo sheegay in ay dhacday is buurasho aan badnayn.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhhwaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

Toban sano kahor waxa jiray rabshado argagax leh oo ka danbeeyay doorashooyinkii waddanka ka dhacay, qofne ma doonayo inay soo laabtaan rabshadahaasi.

Laakiin sida ay aragtida codbixintu saadaalinayso labada murashax ee Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga aad ayay isugu dhaw yihiin, taas ayaa keenaysa baqdinta ah in dhibaato dhacdo.

Hadba sida uu u guuleysto hannaanka codeynta ee computer-da ee guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddaha (IEBC) ayaa muhiim u ah in loo arko doorashadan in ay ku dhacday si xor iyo caddaalad ah. Haddii hannaankan uu guuldaraysto sidii dhacday 2013, waxa codadka lagu tirin doonaa gacanta, taasina waxay wadanka u horkici doontaa si aan shaki ku jirin in qofka laga adkaado uu dood ka keeno natiijada.

2013-kii Raila Odinga waxa uu dacwad u gudbiyay maxkamadda isagoo ka cabanayay in doorashada la xaday. Xiligan waa markiisii afaraad, waxayna u muuqataa iskudaygisii ugu danbeeyay ee ku noqonayo madaxweyne, waxa suurtagal ah inuu ku baaqo in taageerayaashiisa ay wadooyinka isugu soo baxaan haddii uu arko in codadka doorashada la xada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *