Kala Carar Ka Dhacay Magaalo Caan Ah & Gaari Qarax Looga Shakiyey oo….

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Wararka laga helayo Caasimada Faransiiska Ee Paris ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu kala cararay qeyb ka mid ah Magaalada.

Gaari nuuca Raaxada ah ayaa laga shakiyey inuu waxyaabo qarxa saran yihiin,meelo fog fog ayaa ciidamada Amnigu xireen si hadii uu gaariga qarxo ay waxyeelo uga dhalan.

Ciidamada sida gaarka ah utababaran ayaa la geeyey goobta oo Qalabka Baaritaanka Eeyaha iyo Robbot-yada geeyey si ay uxaqiijiyaan gaarigaasi la dhigay Laamiga dhinaciisa.

Wadada ayaa aheyd mid mashquul badan balse waxay isku badeshay muddo kooban mid haawaneysa,kuna darso oo Paris waa magaalo aan habeen iyo maalin midna kala laheyn mashquulka,caasimada aan laga hurdin ayaa loogu yeeraa.

Taliska Booliska Magaaladaasi waxay sheegeen inay ogaadeen in gaariga uusan qarax saarneyn balse shakiga uu gaaray meel sare maadaama Amniga lagu xaqiijinayey.

Sanadkii hore ayaa waxa la sheegay in gaari uu is miidaamiyey Caasimada Faransiiska Ee Paris bishii June markii ay aheyd,tiiyoo kale ayaa laga cabsi qabay,waxaana weerarkaasi sheegtay Maleeshiyada Kooxda Daacish.

Faransiiska waa mid ka mid ah Dalalka sirdoonkoodu aadka u wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *