Kenya oo qabatay Gaari siday waxyaabaha Qarxa

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Maamulka gobolka Isio ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen gaari siday waxyaabaha qarxa iyo sidoo kale hub kasoo ka yimid gudaha Soomaaliya, islamarkaana kusoo jeeday qeybo ka mid ah Kenya.

Waxa ay sheegeen maamulka gobolkaasi in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Gudaha Soomaaliya.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa Miinooyinka dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka.

Booliska gobolkaasi ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko.

Gaariga Qaraxa siday ayaa waxaa waday labo nin oo Kenyaan  ah oo mid ka mid ah lagu magacaabo Cabdimajiid Xasan, waxaana la sheegay in labaduna ay baxsadeen.

Booliska ayaa hadda wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan ragaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa xoojiyay weeraradda ay ka geysanayaan gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Barri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *