Ku dhawaad 200 askari oo Tarsan Ciidamadda Jubbaland baneeyey furimaha dagaalka .

Filed under: WARARK,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Ku dhawaad 200 askari oo ka Tirsan Ciidamadda Daraawiish-ta Jubbaland,Nabada Sugidda iyo Booliska ayaa sameeyey Gadood waxaayna Ciidamadaan Isugu tageen Goobta loo yaqaan Haanta Biyaha ee magaalada Kismaayo.

Ciidamadaan oo ka soo baxay  dhamaan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka al-shabaab ayaa waxaa Madaxdda Jubbaland ka tabanayaan Cadaallad Xummo iyo in Xaqii ay ku lahaayeen Jubbaland aan la Siinin.

Labada Boqol ee Askari oo dhamaan ah Beesha Jidwaaq Absame ayaa shaaciyey inta ay ka dhacayso doorashadda Jubbaland in aysan dib ugu laabanaynin aagagii dagaalka ee ay soo banneeyeen.

Sadex Todobaad ka hor waxaa difaacyadda Ciidamadda Jubbaland ka baxay ilaa 150 askari oo beesha Cowlyahan kuwaasi oo meel gaar ah dagay waxaayna Jubbaland ka tabanayaan Cadaalad darro iyo Xurmo la’aan.

Ciidamadda Jubbaland ayaa Beel-Beel u kala Fur-furmaaya Xili ay soo dhowdahay doorashada madaxwaynaha Jubbaland oo hadda ay ka hadhsantahay wax ka yar Sanad.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa hadda ku furan dagaal siyaasadeed uu kala dhaxeeyo dowlladda Federaalka Soomaaliya taas oo aan wali xal loo hellin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *