Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo Jowhar

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Waxaa maanta lagu waddaa in  Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle lagu qabto doorashadda kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaan ay dhaceyso doorashadiisa ayaa horay waxaa ugu kuu guuleystay Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida Mudane Sanbaloolshe oo kursigaasi waayay markii uu noqday taliyaha.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashadda ayaa ka socota Magaalada Jowhar , iyadoona ay xusid mudan tahay in kursiggaan ay ku tartamaayaan xubno si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Lixda Musharax ee kursiga ku loolamaya ayaa iska diiwaan geliyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, sida lacagaha laga rabo musharaxiinta ee shanta kun oo dollar ($5,000).

Magacyada Musharaxiinta ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Golaha shacabka.

1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2- Cali C/llaahi Cosoble

3- Dahir Cabdulle Cawaale

4- Nuur Iidow Beyle

5- Dahabo Xasan Axmed

6- Xuseen Axmed Geelle

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *