Maamulka Gobolka Gedo oo ka warbixiyey Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baledxaawo.

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn la eegtay Maleeshiyadii Al Shabaab waxyar un kadib markii ay Weerarka ku qaadeen degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

 Duqeyntaasi ayaa la rumeysan yahay in khasaaro naf iyo maalba ay ka soo gaartay Maleeshiyaadka  oo laga gubay Gaadiid dagaal, ka hor inta ay kasoo laaban deegaanadii ay kasoo dagaal Tageen.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa Warbaahinta Qaranka iyo wakalada wararka Sonna  u sheegay in howlgalkaasi lagu gubay 3 ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Shabaab.

Maxamed Xuseen Al Qaadi  oo dhanka kale ka hadlay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Baledxaawo ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 13 ka mid ah argagixisada Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa bilaabay Weeraro lagu dhibaateynayo Dadka Shacabka ah, tan iyo markii dagaal looga saaray deegaanadii ay maamuli jireen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *