Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya oo heshiis ganacsi kala saxiixday..

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya oo heshiis ganacsi kala saxiixday..

Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Kenya oo heshiis ganacsi kala saxiixday06 August 2016

Heshiis ganacsi ayaa dhexmaray maamulka Jubbaland iyo sidoo kale dowladda Kenya, heshiikaasi oo sahlaya in labada dhinac Ganacsi ay wadaagaan.

Guddoomiyaha Ganacsatada maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaashin ayaa sheegay in dowladda Kenya sidoo kale maamulka Jubbaland uu dhexmaray heshiis ganacsi oo ku aadan in xuduudka Kenya iyo sidoo kale Somaliya  ay iska gudbi karaan Ganacsatada labada dal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in labada dal uu dhex maro ganacsi , madaam ay yihiin labo bulsho oo daris ah.

Dhawaan dowladda Kenya ayaa hakisay isku socodka dadka iyo sidoo kale ganacsiga xuduudka ka dhaxeeya Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya ,waxaana taasi ay sababtay in uu istaago ganacsigii ka dhaxeeyay labada dal.

Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya ayaa ugu baaqay dowladda Kenya  in ay si deg deg u furto xuduudka.

warar xaqiiq ah kala xariir  (faafannews)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *