Maamulka Puntland oo Qiratay in ay Ku Fashilantay Ammaanka Gaalkacyo

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Taliyaha ciidanka booliska maamaulka Puntland sareeyo Guuto Cabdiqaadir Shirre Faarax (Ereg) ayaa cadeeyay sababta keentay in wax laga qaban waayo dilalka iyo qaraxyadda ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Taliye Ereg ayaa tilmaamay in Puntland aysan laheyn Ciidamo Sirdoon oo tayo wanaagsan leh iyo Ciidamo Boolis ah oo tiro ahaan badan kuwaasi oo lagu haleyn karo amniga Magaalada Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in hadii la heli waayo arintaas aan waxba laga qaban Karin amniga magaaladda oo ay la wadaagaan maamulka Galmudug.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska Puntland sareeyo Guuto Cabdiqaadir Shirre Faarax (Ereg) ayaa sheegay in hadii la waayo kaalinta shacabka in aysan Laamaha amaanka Puntland aysan ku guuleysan Karin xaqiijinta amniga.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa horey ugu dhacay dilal iyo qaraxyo ay geysteen Rag hubeysan, waxaa sidoo kale jirey in Magaaladaas lagu dilay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland.

Allsaaxo.com
xafiiska muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *