Madaxweynaha Somaliland oo booqday Xeradda Birjeex

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka kormeer ku tegay xerada ciidanka  Somaliland ee Birjeex oo dayac-tir lagu sameeyey, xayndaab cusubna lagu wareejiyey, waxana uu badhtamaha xerada salaan kaga qaatay cutub katirsan ciidanka Somaliland, iyada oo uu taliyaha ciidanka Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani uu kormeerkaas ku wehelinayey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo kormeerkiisa sii wata uga sii gudbay cusbitaalka ciidanka qaranka oo uu kormeeray sida uu u shaqeeyo, iyada oo ay sharraxaad ka siiyeen taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo agaasimaha cusbitaalku, waxaanu soo indho-indheeyey qalab caafimaad oo muhiim u ah ciidamada dalka, kaasi oo dhawaan loo keenay ciidanka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Miiska saraakiisha Ciidanka Qaranka oo dayactir iyo qalabayn casri ah lagu sameeyey, lagana hirgeliyey dhismeyaal kala duwan oo isugu jira hurdo, fasalo waxbarasho iyo kuwo hadda socda oo loogu talo-galay inay noqdaan goob waxbarasho oo ay ciidanku wax ku baran doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *