Madaxweyne Farmaajo” Muddo kooban ayaa lagu ciribtiraya Al-Shabaab” +DHAGEYSI

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoojin doonto duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ee ka socda Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ka hadlay arintan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalalka caalamka ka codsan doonto in duqeymaha la xoojiyo si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in duqeymaha ay ka mid yihiin tilaabooyinka looga hortaggikaro Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan dalka.

Waxaa uu xusay in Al-Shabaab in aan looga adkaankarin Ciidamada dhulka oo kaliya, waxaana uu tilmaay in dowladda ay ka go’an tahay in sanadkaan lasoo Afjaro Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu kaloo uu ka hadlay Sababta loo Magacaabi La’yahay taliyeyaasha Hay’addaha Nabad Suggida iyo Booliska.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *