Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kadib Shir-Madaxeedkii Midowga Afrika , waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jabuuti dadaalka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta uu ka qaatay Soomaaliya, ilaa haddana u taagan yahay.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dib loo dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliya, Dowladdiisuna ay ka qayb qaadanayso oo weliba taageero dhan walba ah siin doonto Ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne geelle  ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin mar walba Soomaaliya , wuxuuna ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo dadaalka Nabadaynta iyo dib u heshiisiinta uu wado, iyo socdaalka uu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *