Madaxweyne Xaaf oo La Kulmaya Sheikh maxamed shaakir

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya waxaa talaado soo socota ka furmi doono shir u dhaxeeya Maamulada gobalada dhexe ee  Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug sida uu sheegay Madaxweyna Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Shirkaan oo loogu hadlaayo arrimaha gobolada Dhexe xiligaan ka taagan ayaa waxaa garwadeen ka ah  Qaramada Midoobay oo kaashanaysa Wakiilada Beesha Caalamka ee soomaaliya.

Shirkaan oo Talaadada soo socota ee Asbuucaan ka furmaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa waxaa loo qabanayaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo dhamaantood ka Arimiya Gobalada Dhexe.

Madaxweyna Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  ayaa Sheegay Maalaha soo socda in imaanayo Magaalada Muqdisho oo Shirkaasi uu uga qeyb galayo waxa uuna Xuasay Shirka ina uu socdo lagu soo hadal qaadi doono Abaarta ka jirta deegaanada Maamulkiisa asagoo Maamulka Ahlusuna ka codsaday Wadahadal lagu dhameeyo Tabashooyinka Jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *