Madaxweyne Xasan Sheekh ” Masuuliyiin DF ka tirsan ayaa hortaagan sugida Amniga”.

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Muqdisho ( FAAFANNEWS)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay hor taagan yihiin sugida Amniga  dalka.

Waxa uu sheegay Madaxweynuhu markii la xiro xubno Al Shabaab ka tirsan in Masuuliyiin ka tirsan dowladda ay daba socdaan kana soo daayaan Xabsiyada.

“ Shabaab Qabiil ma leh wiilka iyaga ka tirsan Aabihiis soo dil laleeyahay , gabadhana Hooyadeed” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Geesta kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Masuuliyiinta dowladda looga baahan yahay in Xasaanadooda aysan ku dhibaateynin shacabka .

Waxyaabaha lagu dhaliilo dowladda uu Hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah in Masuuliyiinta dowladdu ay dadka rayidka ah dhibaato ugu geystaan ayagoo isticmaalaya shaarka dowlada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *