Magaalada Cadaado oo lagu wado in geeyo ciidamo AMISOM

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |
 

CadaddadoCADAADO (FAAFANNEWS) Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug-Soomaaliya Maxamad Xaashi Carabey ayaa sheegay in maamulkiisa ay dalbadeen ciidamo AMISOM ah, si ay u sugaan ammaanka, xilliga ay dhaceyso doorashada.

Waxa uu intaasi ku daray madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey in ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka la geenayo degmada Cadaado, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka aqalka  sare iyo qalka hoose .

Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku shaqeyn doonaan guddigii doorashooyinka dowlad goboleedyada, isla markaana ay soo xuli doonaan xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose.

Mudane Maxamad Xaashi Carabey ayaa ugu dambeen sheegay in Cadaado lagu soo xuli doono 36 xildhibaan iyo 8 sanatar oo ka tirsan aqalka sare, isla markana rajo fiican ka muujiyay in dhammaan howlahaas ay ku soo dhammaadaan guul.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *