MAHAD CELIN KU SOCOTO BEEL WEYNTA JAARSO

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Anagoo ku hadleyno dhamaan magaca qurba joogta beesha Jidwaaq waxaan u mahad celinaynaa beelweynta Jaarso een walaalaha nahay doorka muhiimka leh eey ka qaadatay iyo gogosha nabadeed eey u fudisay shacabkanagii dulmanaa ee ka soo cararay dhiig yacabka kaligii taliayaha afduubka ku heysta shacab DDSI .

xadiis saxiix ah ee Nabigeeni Suubanaa ee Maxamed (CSW) Laga soo wariyeey ayaa Oronayo Qofkii aan dadka u mahad noqon ILLAHAYNA uma mahad noqo,, dhanka kale waxaa xaqiiq ah oo aqliga suubani qabaa in isku mahad celinta dhexmartaa bani, aadumka eey tahay edeb aqlaaqiyan ah oo ku haboon xariirka ka dhaxeeyo laba bulsho oo walaala ah hadana deris ah markay is gargaar sdaan inay isku mahad celiyaan abaalka aad noo gasheena ma ahan mid aan ilaawi doono hadaa nahay beesha JIDWAAQ.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *