MAQAL:-Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in dib loo furi doono Goobaha Muhiimka ah ee Muqdisho

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay dib u furay islamarkaana xariga ka jaray Taalada Axmed Gurey oo Dayactir lagu sameeyay.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.

“Taaladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha, Waxaan dooneynaa inaan ololahan sii wadno si aan u soo celino quruxdii ay caasimaddu lahaan jirtay.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Taalada Axmed Gurey ayaa kulmisa dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxayna isku xirtaa wadooyin waa weyn oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhowaan sidoo kale waxaa dib loo furay Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waaberi, oo dib u dayactir lagu sameeyay, taasi oo lagu soo aadiyay maalmihii xuriyadda Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *