Maqal:- Rashiid diiriye oo ka hadlay Arimo kala duwan iyo Madaxwayne ku Xigeenka Khaatumo oo DUBAI Tageya

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

http://kalshaale.co/wp-content/uploads/2017/09/

Muqdisho(faafannews.com) Rashiid Diiriye Faarax oo ah Afhayeenka Jaaliyada Khaatumo ee Dalka  Imaraadka Carabta oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu Horayn wuxuu Bogaadin u diray Beesha Guuleed Garaad Doorkii ka qaadatay Nabadayntii magaalada Buuhoodle iyo Sidoo kale Sida ay Shalay usoo Afjareen Shaqaaqadii ka dhacday Dhowr Bilood ka hor magaalada Balicad oo mudooyinkan Taagnayd.

Isagoo Hadalka sii wata ayaa wuxuu ka hadlay Colaada kasoo Cusboontay Deegaano u dhexeeya Gobolada Mudug iyo Sool, Wuxuuna Dhinacyada ugu baaqay inay qaataan Nabada, Islamarkaana Colaad aan waxba laga Faa’iidi doonin.

Dhinaca kale Wuxuu Bulshada Khaatumo ee ku dhaqan ku Wargeliyey inuu Hadii alle idmo 8-da Bishan aynu ku Jirno uu dalkaasi soo gaadhi doono Madaxwayne ku xigeenka Khaatumo Maxamuud Cabdullahi (Caananuug), Wuxuuna ugu baaqay inay isku diyaariyaan soo dhowaynta iyo Kulamada uu la qaadan doono Bulshada.

HALKAN DHEGAYSO  HADALKA RASHIID DIIRIYE 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *