Mareykanka oo beeniyay Sarkaal looga Dilay Weerar ka dhacay Duleedka Kismaayo

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Mareykanka oo beeniyay Sarkaal looga Dilay Weerar ka dhacay Duleedka Kismaayo

Washington (FAAFANNEWS) — Mareykanka ayaa markii ugu horeesay beeniyay wararka la xiriira in Sarkaal ka tirsan Ciidamada ka jooga Dalka Soomaaliya lagu Dilay Weerar maalmo ka hor ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Weerarkan oo ka dhacay Degaanka Cabdalla-Baroole ee Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa qoraal ka soo baxay Xarakada Al Shabaab waxaa lagu sheegay in lagu Dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka oo taageero siinayay Xoogaga Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Kabtan. Jeff Davis oo ah Afhayeen u hadlay aqalka Pentagon -ka ee Wasaarda Gaashaandhiga ee Dalka Mareykan ayaa been abuur waxuu ku tilmaamay warkii ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ee ku aadanaa in ay Dileen Sarkaal Mareykanka ahaa.

Mar Afhayeenka wax laga weydiiyay wararka la xiriira in Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab lagu Dilay Weerar ka dhacay Magaalada Saakoow ayaa waxuu ku jawaabay in ay wadaan baaritaano iyo qiimeyn, isagoona xusay in ay adagtay in la yiraahdo waxaa weerarka lagu Dilay Saraakiil.

Hadalka Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Mareykanka ayaa waxuu imaanayaa xili War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab lagu Dilay Weerarkii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo in lagu Dilay Sarkaal ka mid ahaa Xoogaga Dalka Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *