Mareykanka oo sheegay inay dileen nin Shabaab ka tirsanaa

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay nin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ah ayna dadka shicibka ah ka soo gaarin weerarkan.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in hawlgalku uu ka dhacay meel u dhow degaanka Toora-toorow ee koonfurta Soomaaliya.

War-saxafadeedku waxaa kale oo uu sheegay in weerarka la qaaday kadib markii iskaashi lala sameeyey xulufada gobolka, iyada oo lagaga hortagayo falalka Al-Shabaab oo ay ku jiraan weerarada uu ururkaasi dhawaan ku qaaday ciidanka Soomaaliya.

“Waan sii wadaynaa wada shaqeynta aan la leenahay Soomaalida iyo xulufadeena si aan u burburino Al-Shabaab, islamarkaana aan kaalin uga geysano deganaanshaha iyo amniga gobolka oo dhan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

XIGASHO:- VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *