MARKO: Cabsi Laga Qabo Dagaalo Dib U Qarxa

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Sida aynu ku heleyno wararka naga soo gaarayo magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ay maanta magaalada ka taagantahay cabsi xoogan oo ku aadan in ay magaalada dib uga qarxaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Dfs, kuwa deegaanka iyo xarakada Alshabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay isaga barakacayaan xaafadaha Magaalada Marka kadib xiisadaha oo ah kuwo aad u kacsan.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya kuwa deegaanka iyo Amisom oo iskaashanaya ayaa dhoolo tus muujinaya waxaana geesta kale magaalada Marka kaga sugan xarakada alshabaab saacad walba waxa laga cabsi qabaa in ay xaaladu isbedesho oo uu dagaal qarxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *