maxaa keenay inay soo tahriibaan indhihii wadankeena???

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Baahida bani aadanka oo ah mid sal iyo cidhib meel ay ku haysaa aanay jirin  oo la korta  kolba  waayaha iyo wakhtiga cusub ee soo iftiima  ayaa  waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin iyo dhiilooyin lama ilaawaan ah oo naburo iyo dhaawacyo waawayn oo aan laga bogsan soo gaadhsiiya  umadaha   dhibaatooyinkaasi  waa dabiici ama dadsamee
Mid waa dabiici oo waa wax ka yimaada dhinaca deegaan ka rabaaniga ah oo u dhaca farsamooyin ka ALLE (S.W.T) ee faraha badan (Natural disasters) qaarna waxaa sameeya ama keena bani aadamka oo waa dadsamee , (man made disasters )  noockasta oo ay yihiinba  waxay reebaan saamayn iyo sumado xunxun inta badana markhaati unoqda jiilba jiilka uu ka dabeeyo.

Qormadan ayaa waxaan doonayaa inaan kaga hadlo   tahriibka  oo ah dhibaatada  ugu wayn ee maanta ka jirta guud ahaan geeska afrika  si gaar ahna u saamaysay dhlin yaradii aqoonta lahey ee dowlada deeganka soomaalida( DDSI) , hadaba tahriibow maxaad tahay ? tahriib luuqad ahaan waa socdaal aan sharci loo haysan oo dhuumasho iyo dhabaraad ku salaysan , qabiil ahaana waxa uu kasoo jeedaa qolada aan u bixinay (man made disasters), taariikh ahaana waa shay soo jireen ah sida laysla qaatayna  ka soo bilaabmay qaarada yurub  mudo imika laga joogo kumanaan sanadood  ayaa dadka reer yurub waxay usoo qulquli jireen dhinaca maraykanka ama America ,taasi waxa kasii danbeeyay oo xoojiyay tahriibkii dib uga bilaabmay qaarada Africa kadib markii dadkii la adoonsan jiray (African slavers)ee qaarada Africa ay markii danbe noqdeen kuwo dega oo hela nolol liitada balse lays lahaa waxay dhaantaa tii markaa ay ku jirtay qaarada Africa oo ahayd mid qoloqolo iyo qabiil qabiil laysku laayo, (African civil crisis)   ayaa waxay dadkii qaarada ku sugnaa door iyo dan moodeen inay xamaanta iyo xaabada u gurtaan qaaradaha yurub iyo ameerica oo markaa , dadku u hayaami jireen iyada oo markii dambe gaadhay ilaa waqooyiga qaarada Aasia oo dadbadani kaga soo furmeen America

 Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin oo aan indhaha laga qabsan karin In dhalinta DDSI ay yihiin kuwa ugu badan tahriibayaasha maanta, siiba gobolada JIGJIGA,QABRIBAYAX IYO DHGAXBUUR ., hadaba waxaa is weydiin mudan maxaa sababay in dhalin yaradii waliba kuwaadii jamacada dhameeyey ama sanad iyo laba sano eey uga harsan tahay qalin jabintii inay naftooda ku soo haligaan badahaa iyo saxaraha

1) Sabab dhaqaale, waxa iska cad oo muuqata in maanta dalkeenu ku raagay hoos u dhac dhaqaale oo soo joogtoobay oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanaya, sidaa awgeedna dhalintii jaamacadaha dhamaysatay waxay waayeen wax rajo ah oo ay ka qabaan in ay helaan fursado shaqo oo ku filan Taasina waxay dhaxal siisay inay meelkasta oo damiirkoodu siiyo u hayaamaan.

2. sabab siyaasadeed , dhalinta sadaxdaa magaalo kama qayb galaan siyaadada dalka maanta ka jirta waaba hadii eey jaanis helaan waxaa lagu qoraa gobolo fogfog iyo tuulooyin heyjada ah oo aan wax nolal ah ka jirin sababna looga dhigayo eraygii( DIB U CURASHO) oo macnihiisu yahay in daad gaar ah lagu naas nuujiyo dabcan waa fikir u diidan inay jiilka cusub u ogolayn inay siyaasada wax ku yeeshaan awgeed taasina ay sii xoojiso hayi kaca tahriibka oo aanay jirin xal kale oo ay kaga joogaani.

3. Sabab saboolnimo, dalkeena waxaa ka jira saboolnimo isa soo taraysa waana ognahay in uu ka jirin xorida  ganacsiga (bussiness )taasi oo dhalinta ku abuurta niyad jab iyo rajo la’aan dhinacyo badan leh kuna kalifa inay dalka ka baxsadaan.

 

sababahaasi aan kor ku xusnay waa kuwa ugu badan ee dhalinta ku keena inay tahriibaan iyada oo aanay cidna ka daahnayn in tahriibku yahay dhibaato aad u balaadhan islamarnaa lagala kulmo , dhaca ,boobka , dilka , kufsiga , xadhiga ,silica iyo saxariirkaba intaas oo is xambaarsan ayaa waxay soo food saaraan dhalinta tahriibaysa balse iyagu waxay dareensan yihiin in hadafkoodu ka wayn yahay intaas oo mar uun ujeedadoodu u rumoobi doonto
sawirkan waxaad ka dheehan kartaa rafaadka saxaaraha ee tahriibka hadaba ,Dowlada deeganka somalida ethopia ( DDSI) madaxdeedu waa inay ogaataa inay maskaxdii curdinka ahayd ee barito mustaqbalka Dalka hanan lahaa ay yihiin kuwo hilibkoodu daadsanyahay Xeebaha ay tahriibka ku maraan ,qaarkood waxay mayd ahaan u yaaliin saxaarayaasha dhaadheer ee marinka u ah dhalinta tahriibayaasha ah , imisaa Hooyo ku wayday wiilkeedii curad imisaase wayday gabadh in badan ay soo koolkoolisay oo maanta ay u suurto gali wayday inay aragto maydadkooda ,geeri iyo jacaylba xasuusbay kugu dilaane waa hubaal hooyadaasi inay maanta ka walwalsantahay oo ay dareensantahay jiidhkeedii oo kumilmay mawjadaha badaha.

Hadaba dhibaatadan waxaa lagu xalin karaa .

3- Dawlada oo ah quwada keliya ee ugu muhiimsan xil gaar ahina ka saaranyahay waa inay dhalinyarada u abuurtaa ilo dhaqaale oo ay dhalintu ka hawlgalaan kana helaan shaqooyin iyo fursado ay ka faa’iideeyaan
4- ganacsatada dalka gudihiisa ku suganina waa inay gartaan halka ay kaga aadanyihiin iyo kaalinta horumarineed ee ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin

 

5- dhalintuna waa inay ogaadaan in hantida kaliya ee ay haystaani ay tahay dalkooda hooyo oo ay dhadhamiyaan qiimaha ay leedahay wadaniyadu isla markaana wakhtiga ay ku bixinayaan inay ku tahriibaan iyo maalka galayaaba waa inay ku bixiyaan sidii ay dalkooda wax ugala soo bixi lahaayeen , una noqon lahaayeen dad istara oo istirsada.
Wali ma is waydiiseen inta saacadood ee intaad isasoo hor fadhiisateen aad ka fikirteen tahriibka iyo dariiqyadiisa sidoo kale ma is waydiiseen lacagta ku baxday tahriibku inta ay leegtahay ,bal ka warama hadii aad markaad isku timaadaanba ka doodaan “waar sideen wadanka wax ugala soo baxnaa ?” waxa aniga iga talo ah dad ku waxay u rafaadaan ee intaa raadinayaani waa sidii ay u heli lahaayeen magac meel mar ah oo ay dunida kaga tagaan , waase hubaal hadaad bulshadaada ku dhex yeelan waydo meelkale ku yeelan maysid oo soomaalibaa waxa laga hayaa “ libaax dalkiisa ka tagay shanqadh saaruu yeeshaa”.

Aniga oo ka mid ah qurba joogta DDSI  waxaan idin leeyahay gacmaha inta aan is qabsano , horumarka dhalkeenu dhalintuu ku jiraaye beesha aan u bandhigno oo “ wax iiqabo wax ila qabaa dhaantee”dadka aan tusno dadaalkeena si dadka inga danbeeyaana ay u hiigsadaan dariiqooyin iyo darajooyin wan wanaagsan oon bulshada dhexdeeda ka abuurno , hadii aabo ama adeero maanta halkaa ina dhigay adigu halkeed dhigi inta kaa danbaysa ?!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *