Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo dil ku xukuntay ninkii dilay Wasiir Siraaji

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARK,WARARKA MAANTA |

Image result for maxkamada ciidamada qalabka sidaMaxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riday ninkii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii loo gaystay Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Axme C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah, ayaa Racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay horay ugu riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kadib markii uu ku qanci waayay xukunkaasi.

Maxkamadda Sare oo xukunkaasi loo soo gudbiyay, ayaa saaka ku dhawaaqday nooca xukun ee Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid), waxaana maxkamadda ay ku raacday xukunkii hore ee maxkamadda Darajada Koowaad oo ahaa dil toogasho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Soomaaliya Liibaan Cali Yarow oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay cadeymaha iyo qiraalka maxkamadda la hor keenay, markii ay dhageysatay qiraalka eedeysanaha maxkamadda horteeda uu  ka jeediyay in xukunka Axmed C/laahi Cabdi uu noqday dil toogasho ah.

Wasiirkii Hawlaha guud ee Xukuumadda Somaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa la dilay 03-dii Bishii May ee sanadkaan, kadib markii isaga oo wata gaari yar laba xabadood lagu dhuftay, xilli uu hormarayay meel aanan ka fogeyn Madaxtooyadda Soomaaliya, kadib markii ay ka shakiyeen ciidanka Ilaalada u ahaa Hanti dhawrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *