Mo Farah oo ku Guuleeystay Tartankii 5,000 M Ee Olombikada Aduunka

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Orodyahanka Asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Somalia hase ahaatee u orda Wadanka Ingiriiska ee Mo Farah Ayaa xalay ku guuleeystay Tartankii 5,000 Miter Gaar Ahaan Kan dhanka rag loo Qabtay.

Mo Farah Ayaa helay Biladii Afaraad oo Dahab Ah ee Ciyaaraha Olompic-da Aduunka  isga oo Taariikh cusubna u dhigay dunida.

33-jirkaan u dhashay Wadanka Somalia hayeeshee heeysta Dhalashada Wadanka Engiriiska ayaa noqonaya Ciyaaryahaanka Labaad ee Taariiqda ku Guuleeysta tartanka 5,0000 iyo 10,000 M.

“Tani waxay Isoo xusuusineysaa guushii London,waan Usoo dhabar adeygay Ma rumeysan karo dhab ahaantii waa ii Farxad,” ayuu yiri Farah.

Farah dahabka uu u qaaday xaley Britain’ waa Dahabkii 27-aad  ee Rio iyo Biladdii 65-aad Taasi uu sheegay in uu si Aad ah ugu Faraxsanyahay.

1 2 3 4 5 6 7 8

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *