MURTIDA MAANTA: BIYO SACABBADAADAA LAGAGA DHERGAA

Filed under: WARARKA MAANTA |

Maahmaahdaani waxay leedahay micne weyn oo caalami ah. Aadanaha oo dhan bay u siman tahay oo ka faa’iideysan kara. Waxayna ku saabsan tahay in qofku ama dadku wax qabsado oo isku fillaado, intuu wax ka sugi lahaa cid kale ama gacan kale. Isku kalsoonina waa ay ku saabsan tahay. Maadaama wax qabsi iyo isku-fillaan dhiirri galineyso.

Waa mid ka mid ah maahmaahyaha leh micne muuqda iyo mid qarsoon oo ka muhiimsan kan muuqda.
Waxay isu micne dhow yihiin maahmaahda “ood kaa fogi kuma dhaxan tirto”, taasoo iyaduna leh micne muuqda oo kore iyo mid qarsoon ama dahsoon oo uusan qof an luqada soomaaliga dhab u aqooni fahmi karin.

Micnaha muuqda:
Inaad biyo ku cabtid qof kale sacabbadiis waxaa kaaga fiican inaad sacabbadaada ku cabtid biyaha.

Micnaha qarsoon.
Waa dhiirri gelin in qofku ama dadku ku dedaalo siduu wax u qabsan lahaa, si u uga maarmo baryo dad kale.

Maahmaadaan siyaalo badan baa loo adeegsan karaa, waxyaalo badanna waa lagu masali karaa.
Tusaale: dad aan isku kalsooneen inay wax noqon karaan inay umad kale hoos tagaan mooyee ama qof ayagoo kale ah wax walba ka sugo inuu siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *