ODAYAASHA GURTIDA BEEL WEYNTA JAARSO OO BAAQ U DIRAY BEESHA JIDWAAQ

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Odayaasha Guurtida beelwaynta Jaarso waxay ku baaqayaan in shacabka walaalaha nahay ee Jidwaaq si fiican loo soo dhaweeyo lana ilaaliyo cirdigooda iyo sharaftood. Ilaa iyo hada guud ahaan deegaanka Jaarso waxaa soo gaadhay ilaa 537 qof oo ubadan qoysas wada socda, tirada intaa la’eeg waxa soo barakiciyay waxyar ma aha siday sheegeena waxaa soo daba socodo dad aad u fara badan hadii aan la xakamayn xaaladan hada socoto

Waxaanu u sheegaynaa waxgaradka Jidwaaq ee ku hoos nool nidaamka cabdi iley ha ugu horeeyo garaad Kulmiye iyo salaadiinta kalaba in ay ka dhiidhiyaan dulmiga iyo dhacaa shacabkooda ku hayaan anagoo ugu baaqayna in ay cod dheer ku mucaaradaan maadama uusan awood u lahayn wakhtigan la joogo in uu idin xidho idinkoo ah labeentii ama indhihii shacabka haduu idin xidhana kacdoon shacab oo soo gaba gabeeya cimriga awooda uu ku faanayo ayaa dhici doonto, hadii kale oo aynaad hadli karin kaalaya deegaanka Jaarso oo ah deegaanka qudha ee uun cabdi iley cid kasoo xidhan karayn. Mar kale waxaanu lee nahay walaalaha Jidwaaq waxaanu diyaar idiinla nahay in aan guryahayagii idiinka baxno inta daalimka laga xoraynayana saad rabtaan ugu noolaataan cidaad rabtaan mucaaradaan

Waxgaradka Jaarso waxay soo saari doonaan bayaan ay kaga hadlayaan isir sifayntan uu nidaamka cabdi iley caadaystay in uu kula dhaqmo beelihii Jigjiga lahaa

Golaha guurtida Beelwaynta Jaarso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *