Puntland Oo War Culus Uga Dhawaaqday Garoowe, Fariina U Dirtay Dadka Diida Lacagta Shillin Soomaaliga (Akhriso)

Filed under: CIYAARAHA,Faafan,WARARKA MAANTA |

Shir maanta ay isigu yimaadeen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda puntland iyo Bangigi dhexe puntland, oo ay weheliyeen wasiiradda arrimaha gudaha iyo amniga Puntland, ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa lagu falanqeeyey diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga, kala gurideeda iyo sarrifkeeda kala duwan.

Shirkaan oo Saacado Qaatay ayaa waxaa laga soo saaray 4 Qodob, Waxaana Warbaahinta u Akhriyay Qodobadaas Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe, wuxuuna sheegay inaysan jirin meel dowladu ku diiday qaadatashada shilinka Soomaaliga, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay qaataan lacagta iyaga oo aan kala gurin.

AKHRISO 4 QODOBAD.

  1. Lacagta Shiling Soomaaligu waa Astaan Qaran, dal kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana ciddii ka hortimaadana waa Qaran dumis.

2. Dawladda Puntland lacagta Sh, SO waxay ku qaadaa Canshuurta, waxayna ku bixisaa Mushaarka ciidamada & Shaqaalaha dawladda, meel ay ku diidayna ma jirto.

3- Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh, SO qaataan, iyaga oo aan kala gurin, Sarif kala duwanna looma samayn karro, arrintaas oo aan diin ahaan banaaneyn (RIBO).

4- Hay’adda dawladda Puntland ee fulinta shaqada, qeybaha ku leh, waxaa laga doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan

Halkaan Hoose Ka Daawo.

Lacagta Shiling Soomaaligu waa Astaan Qaran, dal kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana ciddii ka hortimaadana waa Qaran dumis.
2. Dawladda Puntland lacagta Sh, SO waxay ku qaadaa Canshuurta, waxayna ku bixisaa Mushaarka ciidamada & Shaqaalaha dawladda, meel ay ku diidayna ma jirto.

3- Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh, SO qaataan, iyaga oo aan kala gurin, Sarif kala duwanna looma samayn karro, arrintaas oo aan diin ahaan banaaneyn (RIBO).

4- Hay’adda dawladda Puntland ee fulinta shaqada, qeybaha ku leh, waxaa laga doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan

Halkaan Hoose Ka Daawo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *