Qarax caawa ka dhex dhacay Guri ku yaalla Muqdisho & Khasaare ka dhashay

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax caawa ka dhax dhacay Guri ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile Gobolka Banaadir, sida ay inoo Xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada ayaanan la ogeyn ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu ka dhex dhaco Gurigaasi, balse baaritaano ayeey wadaan laamaha Amaanka.

Guriga qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad shacab ah, oo gurigaasi degnaa, kuwaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Afar qof oo ka mid ahaa dadkii guriga degnaa.

Ciidamada ammaanka oo wata Gaadiidka dagaalka oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa gaaray halkaasi, waxayna xarumaha baarista u qaadeen dadkii ku waxyleelobay qaraxaasi.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la wareegay guriga uu qaraxa ka dhacay, waxayna arrintan cabsi iyo wal ku abuurtay dadka degaanka, shacabka degan xaafadaasi ayaa guryahooda goor hore oo caawa ah ku xarooday, maadaama Ciidamada ay wadaan baaritaano qaraxaasi ku aadan.

Qof Goobjooge ah ayaa yiri “Mar qura ayaan maqalnay dhawaqa qarax ka dhex dhacay guri deriskeena ah, annaga cabsi ayaa na soo wajahday, marki aan banaanka u soo baxnay ayaan araknay Meydadka dhowr qof oo guriga dhex yaallay, ma hubo in qaraxa guriga lagu diyaarinayay iyo in kale, balse waxaan ku sheegi kara in Ciidamo badan ay soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *