Qarax Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka lagula eegtay Degmada Afgooye

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Afgooye ( FAAFNNEWS)A-Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Bam Gacmeed khasaaro geystay maanta lagu weeraray Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmadaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in inta badan xaafadaha degmada Afgooye si weyn looga maqlay iyadoona masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye oo Shabelle la hadlay ay beeniyeen in uu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxaasi.

Waxaana maamulka degmada Afgooye meesha ka saareen in Qaraxaasi ay ka dambeeyaan xarakada Al Shabaab balse waxa ay ku eedeeyeen in ay geysteen kooxo maamulku ku sheegay burcad oo qal qal gelinaya Nabad Gelyada degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oon qadka Taleefanka kula hadashay ayaa sheegya in Qaraxa 2 qof oo mid Askari yahay kan kala shacab yahay ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Mana jirto cid sheegatay Masuuliyadda Bam Gacmeedkaasi maanta lagu weeraray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *