QM oo loogu baaqay inay maalgeliso ciidamada Saaxil ee Afrika

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Moussa Faki Mahamad Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ayaa ku baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo   ciidamo goboleedka ka hortagga argagixisada ee gobolka Saaxil.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey laga doonaayo in ay taageerto ciidamadaasi, islamarkaana ay maalgaliso, maadaama Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Adduunka ay ka hayaan Khatar weyn.

Gudoomiyaha ayaa ka hadlaayay shirka ammaanka ee magaalada Munich isagoo ay wehlinayaan hogaamiyayaasha Afrika, ayuu Mr Faki waxa uu ka digay in xaaladda gobolka Saaxil ay tahay mid loollan ku haysta caalamka, taas oo weliba ah mid ka weyn wax uu hal dal wax ka qaban karo.

Ciidammada gobolka Saaxil ee G5 oo ka kooban yihiin shan dal oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa waxa ay la daalaa dhacayeen dhaqaalo yari haysatay tan iyo markii la aasaasay sanadkii hore.

Moussa Faki ayaa ugu baaqay caalamka inay si degdeg ah u eegaan khatar ammaan ee ka taagan gobolka Saaxil, kaas oo ay ka dhacaan weerraro joogta ah oo ay qaadaan maleeshiyaad xiriir la leh urur weynaha Al-qaacidah iyo ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Mr Faki ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadaan wadammada ay weerraraasi saameeyeen aanay ku filnayn in lagu xalliyo dhibaatada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *