Qorayaal Soomaaliyeed oo buugaag u yaboohay maktabadda Kismaayo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Urur ay ku bohobeen qorayaasha Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Soomaali PEN oo xaruun ku leh Jabuuti ayaa guddoonsiiyay darsin buugaag ah oo loogu tala galay Maktabadda Kismaayo agaasimaha Warfaafinta Jubbaland Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir Saxansoxo.
2

Agaasimaha wasaaradda warfaafinta Jubaland Mudane Cabdiaasir Axmed Sheekh Bashiir Saxansoxo ayaa billaabay olole magaalada Kismaayo loogu hirgelinayo maktabad laga akhristo buugaag si loo hormariyo afka Soomaaliga.

Asagoo howlo shaqo halkaasi ujooga ayaa waxaa uu hadyaddan buugaagta ah ka guddoomay qoraaga caanka ah Cabdalle Xaaji Cusmaan oo ah guddoomiyaha Somali PEN.

Waxaa goobjoo ahaa wasiir ku xigeenka warfaafinta mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Agaasimaha guud ee wasaarada isgaarsiinta federaalka mudane Axmed Cabdi iyo afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Daud Aweis
3

1

FAAFANNEWS.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *