Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Ganacsatadii cabashada qabtay

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Gacansatada Soomaaliyeed, waxayna ay kawada hadleen arrimo badan oo dhaqaallaha dalka ku la xariira.

Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada uu la kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira bixinta Canshuuraha iyo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u kaca dhaqaallaha dalka.

“Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre waxaan la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka wada hadalnay bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin, waana muwaadiniin ka soo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Maalmahan waxaa jiray isqab qabsi u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo la xiriira in ganacsatada ay biya diideen in aysan sharci aheyn Canshuuraha laga qado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *