R/W Khayre oo kormeer ku tagay Wasaaraddo iyo Dekedda Muqdisho

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Amniga, Maaliyadda iyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u kuurgalay sida ay u socdaan adeegyada Labadan Wasaaradood iyo Dekedda Muqdisho ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Khayre ayaa kormeerkiisa ku bilaabay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka, halkaasi oo uu kulamo gaar ah kula qaatay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo Laamaha amniga dalka, wuxuuna kala hadlay dardar gelinta howlaha amniga.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda, isaga oo ku dhiirageliyay xoojinta dhaqaalaha dalka iyo dardargelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Wuxuu Xasan Khayre masuuliyiinta Wasaaradda u sheegay in looga baahan yahay in ay sare u qaadaan hanaanka Maamulka Maaliyadda oo lagu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo oo kedis ah waxa uu ku tagay Dekedda weyn ee Muqdisho, si uu ugu kuuragalo shaqada ka socota, islamarkaana Maamulka Dekedda la dareensiiyo in lala socdo qaabka ay u gudunayaan waajidbaadkooda shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *