Sacuudiga oo War Kasoo Saaray Soomalida Xajinaysa Sanadkaan+Sawirro

Filed under: dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA,WARARKA MAANTA |

Magaalada jeddah ee Caasimadda dalka Sacuudiga waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo  Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali uuna kamid  yahay Agaasimaha Guud Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis.

Wafdigaan waxaa Garoonka Magaaladaas kusoo dhaweeyay wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Boqortooyada Sacuudiga Dr. Maxamed Saalax Bin Daahir iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Awqaafta iyo  Arrimaha Diinta Soomaliya ayaa kala hadlay  wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeyo labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, si gaar ah waxey ka wada hadleen Arrimaha khuseeyo Xajka, kulankan oo ka dhacay Jidda, Sacuudiga.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha XaDiinta XFS Xildh. Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali ayaa bogaadiyay dadaallada weyn ay Xukuumadda Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal Sugaha ay ku bixiyaan mar waliba sidii Xujeyda u heli lahaayeen Adeegyada ugu wanaagsan. Waxuu Wasiirka ammaanay horumarka ay ka sameysay Wasaaradda Xajka Sacuudiga dhanka adeegyada iyo Tiknooloojiyada Xajka.

Sidoo kale labada ayaa waxay isla Garteen in la wanaajiyo adeegyada xajka iyo cumrada loo qabto Xujeyda Soomaalida sida Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka (BASASKA), Deegaanka Xujeyda, iyo Cunnada lasiiyo xujeyda inta lagu guda jiro xilliga xajka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *