Safaaradda Somalida ee Nairobi oo deeq gaarsiisay muwaadiniin Somaliyeed oo Nairobi ku xiran (Daawo Sawirada)..

Filed under: WARARKA MAANTA |
Safaaradda Somalida ee Nairobi oo deeq gaarsiisay muwaadiniin Somaliyeed oo Nairobi ku xiran (Daawo Sawirada)04 August 2016

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa burcad badeednimo, ayaa waxay dalka Kenya ku dhameysteen toddobo sano oo xabsi ah, waxaaba 8-da bishaan lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo.

Maxaabiista oo ku xiran xabsiga Kimiti ee Magaalada Nairobi, ayaa waxaa Isniinta soo socota lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo, si ay dib dalkoodu ugu laabtaan.

Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), Qunsulka Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu maxaabiista gaarsiiyay deeq dhar ah.

Cali Bagadi, ayaa ku waramaaya inay maxaabiista u diyaariyeen waraaqaha dalkaaga ku laabo, isagoo xusay inay arrintaan ka gacan siiyeen Hay’addaha Qaramada Midoobe qaarkood.

“Sharaf wayn ayay inoo tahay inaan maanta soo booqano maxaabiistan Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay toddobo qof, waxaan u diyaarinay waraaqaha GO Home-ka. Arrintooda waxaa nagala shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe.” Ayuu yiri Cali Bagadi.

1470322654f324b.jpg

14703226769c7a5.jpg

147032267889e0e.jpg

14703226810264d.jpg

1470322685d2174.jpg

14703226882a925.jpg

1470322689164a0.jpg

14703226917c33c.jpg

14703226930ada8.jpg

14703226941c6d5.jpg

147032269521695.jpg

147032269618522.jpg

14703226988add2.jpg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *