Safiirkii Soomaaliya U Fadhiyay Moscow Geeryooday.

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha Khaled Omar Ali, Wasiir kuxigeenka Ahmed Ali Mohamed (Kadiye), Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud, La taliyeyaasha Wasaaradda iyo dhamaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Ambassador Mohamed Mohamud Handulle oo ku geeriyooday saaka subax oo Arbaco ah, kuna beegan August 03, 2016 Magaalada Moscow ee caasimadda dalka Russia.

Marxuum Maxamed Maxamuud Xandulle, waxa uu Safiir ka ahaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Moscow tan iyo sanadkiii 2007 xilligaasi oo uu diblomaasiyadda si rasmi ah ugu soo biiray.

“Annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *