Sanbaloolshe ”Doorashadii Leyga Guuleystay Dowladda Ayaa lacag Ku Bixisay”

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Taliyihii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Wadanka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa is hadlay doorashadii kursiga Golaha Shacabka ee looga guuleystay.

Waxa uu sheegay in doorashadaas aysan ku dhicin sicadaalad ah isla markaana lamusuq maasuqay,isaga oo ku eedeeyay in Madaxda dowladda ugu sareysa ay ka dambeeyaan.

“Runtii doorashadaas waa lamusuq maasuq dhaqaalo badan ayay Madaxda dowladda ku bixiyeen iyaga oo taageerayay musharixii iga guuleystay ee Nuur Iidow Beyle ayuu yiri Sanbaloolshe”

Sidoo kale waxaa xili uu wareysi siinayay Idaacadda Voa-da la weeydiiyay cadeynta uu u hayo in ay dowladu dhaqaalo ku bixisay ayaa waxa uu ku adkeystay in dhammaan musharixiinta qaarkood ,Ergada iyo waliba Madaxda Hir-Shabeelle ay ogaadeen

Sanbaloolshe ayaa ku diiday in Madaxda dalka uga cabsatay in hadii uu ku guuleysto doorashada uu noqonayo mucaarad balse isaga uu noqon lahaa mid dadkiisa Iyo dilkiisa u adeega.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa 28 bishaan xiligii ay jowhar ka dhacday doorashada uu sheegay in ay sicadaalad ah ku dhacday,isla markaana uu ku qanacsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *