Sawirro:-Dowladda Talyaaniga Oo Deeq Gaadiid Ah Ku Wareejisay Soomaaliya

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Qoraal  lagu daabacay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Talyaaniga ay gaadiid gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska,iyadoo u soo marisay Ururka Midowga Africa.

Gaadiidka Gaashaaman ee Talyaaniga ku wareejiyay Wasaaradda Amniga gudaha ayaa looga gol leeyahay iney dowr muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka iyo halganka adag ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Talyaaniga waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah u daneeya Arrimaha Soomaaliya kana taageerta Arrimaha Militariga iyo dhinacyada iyo horumarineed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *