SAWIRRO: Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo Isbitaalka Ku booqday Askartii Ku Dhaawacantay Dagaalkii Tukaraq

Filed under: CIYAARAHA,dhacdooyinka,Faafan,WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidankii ku dhaawacmay dagaalkii Tukaraq.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Dhaawaca ciidanka Puntland ee madaxweynaha Puntland uu ku booqdey Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa  Soomaaliland, dagaalkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka tukaraq.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka Puntland, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland DCabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha Hospitalka Garoowe ee caasimada  Puntland kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.

=DHAMMAAD=

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *