SAWIRRO:Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Maanta Kormeeray Saldhigga Booliska Kismaayo

Filed under: Faafan,WARARKA MAANTA |

Kismaayo(FAAFANNEWS)Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo uu wehlinayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha uu ka kooban yahay Saldhigga booliska magaalada Kismaayo.
Masuuliyiinta ayaa kormeeray qaybaha Tababarka,Isgaarsiinta,Danbi baarista iyo qaybta Mundo Musiko ee saldhigga booliska Kismaayo,Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si toos ah ula xiriiray Saldhigyada booliska Magaalooyinka Muqdisho,Beledweyne,Jowhar,Baydhabo iyo Carmo,wuxuuna saraakiisha saldhigyadaas ka xog waraysta xaaladaha amniga magaalooyinkaasi.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo shaqada booliska ka dhageystay saraakiisha ciidamada booliska saldhigga magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

 

kis 8

kis 3kis 8kis 6kis 4kis 2kis 5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *