Shacabka dowlada Deeganka Soomalida Itoobiya oo soo fahmaya Xaqii eey lahaayeen

Filed under: dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Shacaka Dowlada Deegaanka Soomalida Itoobiya yaa soo dhaweyneya talaabada maxakamada Addis Ababa ee ah inla soo daayo siyaasinta caanka ah ee kala ah Mubashir Dubad iyo Maxamad Maxmuud, Labada siyaasi ayey ciidanka maafiyada ah ee u adeega horjoogaha xukuumada dulmiga ku dhisan ee jijga ka afduubeen Addis bishaii abril ee sanadkan.

Mubashir iyo Maxamad ayaa horseed ka ahaa kacdoonkii 3 sano kahor ka biowday degaanka ee lagu soo dhacsanaya xuquuqda dasduuriga ah ee Cabdi Iley lunsaday. Soodeynta siyaasinta ayaa ku timid dadaal iyo aragti beeleed oo Jidwaaq dibad iyo gudahaba ka qaaday. Beesha yaa la xidhiidhaya safaaradaha Itoobiya ee caalmka iyo masuuliyiinta xukuumada fadaraalka ah iyada oo u soo bandhigtay dulmiga lagu hayo ummada Soomaali galbeed gaar ahaan beelweynta Jidwaaq.

Waxaa hubaal ah inla soo gaaray waqtigii la iska rogi lahaa heeryada dulmiga taliska tirada yar ee jijga.

waxaan  soo dhoweyneynaa baaqa ay dhowaan waxagaradka beelaha Ciise soo saareen. Sidoo kale waxa aan beelaha kala e ugu baaqayna in fadhiga laga kaco oo xaqa loo istaago. Dhul boobka ka socda gobolka faafan iyo shabeele mid la mid ah uunbuu kacdoonka oromadu ka bilowday. maanta waad ujeedaan Oromo in meesha ay qabsadaanba loo sii deynayo.
Waxaa aan  ugu baaqanay  Shacabka DDSI inay Gacmaha is qabsadaan  oo xaqooda soo dhacsadaan iyaga oo kaashanaya

Xaquuqda dastuurka Itoobiya siinayo. Wax badan ayaa la inagu qalday daadal xisbi iyo aragti toosan. Waxaa maanta shaqaynaya dadaal shacab iyo aragti Mideysan oo lala yimaado.

hadii xisbigii Shacbiweynaha Somlida Itoobiya ka dhaxeeyeey loo badalay meel nin kaligii taliya ah siduu doono ka yeelayo  looga kala cararay.

Ugu danbayn indhaha shacabka kama madhna fashilinta kuwa boobay hantida ummada ee uu ugu danbeeye ninkii maanta lagu qabtay degaanka Oromada oo kamid ah tuugada caadaysatay boobka habtida shacabka.

insha allah Shacabweynaha dulman wey guulaysan doonaa,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *